Wasiirka Amniga Gudaha ee Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ka digay weeraro dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ka geystaan deeganada Maamulkaas inta lagu guda jiro munaasadda loogu dabaaldagayo markii la aas-aasay Puntland sanadkii 1998-dii oo 19-sano laga joogo.
Wasiir Qarjab oo u waramay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada amaanka Maamulka Puntland heegan buuxa la galiyay kadib digniino la helay, islamarkaana Magaalada Garoowe ay gaari doonaan madax ka Tirsan Dowladda Soomaliya, iyo madaxda maamul goboleedyadda dalka xiligaan ka jira iyo Wafuud Caalami ah oo ka socta Beesha Caalamka.
Wasiir Amniga Puntland ayaa sheegay in Al-shabaab iyo kooxda Daacish ee Fadhigooda yahay Buuraha Galgala ay qorshanayaan inay weeraraan Goobaha ay ka socdaan Dabaal dagyada 1-Bisha Agoosto (Augest) Maalahaan Laga Xusayo guud ahaan Deegaanada Maamulka Puntland.
“Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish waxa ay qorsheynayaan inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee Puntland ku xusaya aas-aaska Dowladd Gobaleedkood Puntland, sidaas darteed Ciidamada Qalabka Sida ee Heer Federaal iyo Maamulka Gobaleed ee Puntland waa inay adkeeyaan Amniga Puntland siiba Magaalooyinka waa weyn iyo Amniga Madaxda ka qeyb galaysa Munaasabada ka dhacaysa maanta xarunta Madaxtooyada Garoowe” ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland Qarjab.
Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta waxaa ka socota Munaasabada lagu xusayo Aas-aaska Puntland oo Maanta ku beegan waxaana ku Sugan Madax kala duwan oo ka Socota Hay’adaha ka howgala Soomaaliya iyo Madax ka tirsan Safaaradda Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya.

