Abuukte:-“Xildhibaanada Labada Aqal Haka Qeyb Qaatan Xalinta Colaadaha”,

0

Xildhibaan Maxamuud Abukate  oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana Mid ah Wafdiga Dowlada Soomaaliya ee ka qeygalay Shirka dib u Heshiisiinta Beelaha Gobalka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Idaacada Simba ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in lagu guuleystay dhex-dhexaadinta Ka bilaabatay Magaalada Jowhar.

Xildhibaan ayaa Sheegay inay waajib Dastuuri ah ay tahay in Xubna Dowladda ay tagaan Deegaanada Golayaasha Qaranka ku Matalaan si ay kaga Qeyb qaataan Xalinta dalka iyo dhex-Dhexaadinta Bulshada waxa uuna ugu baaqay dhinacyadii ku dagaalamay deegaanada hoostaga Degmada Cadale ee Gobalka Shabeelaha Dhexe inay Hirgalinyaan qodobada ka soo baxa Shir weynaha Jowhar.

Madax ka tirsan Golayaasha Dowladda oo uu Hogaaminayo Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Magaalada Jowhar ka Daah Furay Shir ay ka soo Qeybgaleen Dhamaan Duubabka Dhaqanka Beelaha Walaalaha ah ee Dagaalku ku dhexmaray aaga dagmada Caddale is loo soo afjaro Colaadaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here