Raisulwasaare Kheyre:-“Waa Inaan Meel Uga Soo Wada Jeesanaa Al-shabaab”,

0

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii maanta kooxada nabad diidka ay ka geysteen wadada Makkah Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada foosha xun ee Al-shabaab ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.

“Waa inaan meel uga soo wada jeesanaa Al-shabaab-ka liddiga ku ah jiritaanka iyo qaranimada ummada Soomaaliyeed” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here