Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose ee Dowladda Fedraalka Soomaliya Cali Nuur Maxamed ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan lagu gaarsiiyay Ciidamada AMISOM ee shalay ka dhacay duleedka degmada Buulo mareer.
Cali Nuur Maxamed wuxuu tilmaamay in tobonaan ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Uganda in lagu dilay weerarkaasi ay geysteen Al-shabaab.
Shabaab ayaa dhankooda sheegay in 39 ka tirsan Ciidamada Amisom lagu dilay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Gol-weyn ee duleedka degmada Buulo Mareer, ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose oo la hadlayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in xaaladd adag ay haysato Ciidamada Uganda ee ku sugan qeybo ka tirsan Gobolka, islamarkaana ay go’dooyin ku yihiin magaalooyinka iyo degmooyinka ay joogaan, ayna u dheer tahay weerarro xooggan oo ay la kulmaan marka ay isku dayaan inay dhaq dhaqaaqyo sameeyaan oo ay saheyda kala gudbistaan.
Waxa uu Sidoo kale sheegay in toboneeyo ka mid ah Ciidamada Uganda in lagu dilay weerarkii dhabbagalka ah, sidoo kale waxa uu sheegay inuu arkay Meydadka 23 ka tirsan Askarta Amisom iyo Meydka Askari Soomaali ah.
”Maanta waxay marayaan in intaas oo Askari uga dhintaan, si ay Cunto iyo Biyo ugu geeyaan Ciidan iyaga meel ka jooga, wax kale oo ay qabanayaan ma jirto”. ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur.
Dhanka kale Dowladda Uganda oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in loogu dilay 12-askari islamarkaana lagu dhaawacmay 7-askari.

