Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa maana kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa su’aalo weydiinta wasiirka Dastuurta Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Guddoonka Golaha shacabka ay ka codsadeen in la horkeeno si ay wax kaga weydiiyaan sababta uu ugu hor yimaaday go’aankii dhawan ay ka qaateen 8-da kursi ee xubnaha aqalka Sare oo ay laashay Maxkamadda Sare ee dalka.
Markuu furmay kadib ayaa Gudoonka Golaha shacabka waxa uu xildhibaanada baarlamanka Soomalia ku wargaliyay in wasiirka uu ka cudurdaartay su’aalo weydiinta islamarkaana uu dalbaday in kulanka loogu dhigo 11-bishaan Aguast ee sanadkaan 2017-ka,balse waxa go’aankaas ka hor yimid qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamanka Soomaliya.
Fadhigii Baarlamanka Soomaliya ayaa waxa hareeyay intaas kadib buuq iyo sawaxan waxayna xildhibaanada dalbadeen in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu ka dhega adeegay u yeeristii Xildhibaanada,
Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa isku qilaafayqaabka wasiirka loola dhaqmayo kadib markii uu maanta imaan waayay Baarlamaanka hortiisa, isagoo dalbaday fasax saddex toddobaada ah ,waxayna Xildhibaanada badankooda ay codsadeen in dib u eegis arintaas lagu sameeyo.
Cod qarsoodi ah oo loo qaaday dib u eegista lagu sameynayo fasaxa Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh ayaa waxaa ogolaaday 85Xildhibaan, halka ay dideen 77 xildhibaan, waxaana kadib la geli doonaa in codka kalsoonida loo qaado wasiirka haddii ay ku taliyaan Guddigajoogtada ah ee Baarlamaanka oo loo xilsaaray arrintiisa.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa arrinta Wasiirka dastuurka u xil saaray Guddiga joogtada Baarlamaanka si ay dib oo dib u eegis ugusameeyaan xilka Wasiirka Dastuurka, iyadoo kadibna loo gudbin doono qaraarka baarlamaanka Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Guddiyada Joogtada Baarlamaanka ayaa markii dambe loo xil saaray inay go’aan ka soo gaaraan in dib u eegis lagu sameyn doono xilkaWasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo in loo ogolaado mudada uu dalbaday ee 11 -ka Agosto ah, hadii Guddiga isku raacaan inWasiirka xilkiisa dib u eegis lagu sameeyo, waxaa loo qaadi doonaa codka kalsoonida.
Sharci ahaan Qodobka 69aad ee Dastuurka jamhuuriyadda Federaalka Soomaliyaayaa awood u siinaya Golaha shacabka baarlamanka Soomaliya in codka kalsoonida kala noqdaan Xubin Wasiir ah oo ka tirsanXukuumadda.

