Shir u Dhaxeeya Ahlusuna iyo Galmudug oo Muqdisho Ka Furmaya

0

Madaxweyna Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in todobaadkaan uu Magaalada Muqdisho uu ka Furmayo Shir looga hadlayo Arimaha Gobalada Dhexe kaasi oo ay garwadeenka tahay Qaramada Midoobay oo kaashanaysa Wakiilada Beesha Caalamka ee soomaaliya.

Shirkaan oo Talaadada soo socota ee Asbuucaan ka furmaya Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ayaa waxaa loo qabanayaa Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo dhamaantood ka Arimiya Gobalada Dhexe waxaan garwadeen ka ah Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya markii ugu Horeysay Faragalin toos ah ku Sameynaya Khilaafka Labada Maamul.

Madaxweyna Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)  ayaa Sheegay Maalaha soo socda in imaanayo Magaalada Muqdisho oo Shirkaasi uu uga qeyb galayo waxa uuna Xuasay Shirka ina uu socdo lagu soo hadal qaadi doono Abaarta ka jirta deegaanada Maamulkiisa asagoo Maamulka Ahlusuna ka codsaday Wadahadal lagu dhameeyo Tabashooyinka Jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here