Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wada qorshe ku aadan isku Shaandhayn uu ku sameynayo Golaha Wasiirada Maamulkiisa sida ay muujinayso xog Idaacada Simba ay ka Heshay Madaxtooyada ku Meel gaarka ah ee Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa Saacadihii ugu dambeeyey waxa uu waday kulamo iyo Wada-tashiyo hoose oo uu la yeelanayo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo taageersan Siyaasada Hogaamiyaha Koonfur Galbeed kuwaasi oo ay ka wada hadleen qorshaha isku shaandhaynta Golaha Wasiirada iyo Wasiiro qaarkood oo Xilalka laga qaadayo.
Wararka Idaacada Simba ay heshay ayaa Sheegaya Madaxweyne Shariif uusan ku qacansanay Shaqada qaarka mid ah Wasiirada Maamulkiisa ku Kaasi Wararku ay tilmaamayaan Madaxweyna Shariif uu Xildhibaanada oo kulmay uu soo jeediyey in Xilalka laga qaado inkastoo Xildhibaanada qaarkood ay ka soo horjeesteen.
Wasaarada la dhaliilsan yahay Howla-hooda Shaqo ayaa waxaa ka mid ah,Amniga, Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta,Waxbarashada iyo Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed Soomaliya waxaana wararku ay tilmaamayaan Wasaaradahaasi Wasiiradooda Madaxweynaha Shariif uu qorshanayo in xilalka laga qaado

