Madaxweynihii Hore ee maamulka Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Dastuurka dalka Somalia iyo kan maamulka Puntland kadib mar uu maanta ka qayb galay munaasabad xariga looga jarayay xarunta cusub ee wasaaradda Maaliyadda ka dhisatay magaalada Garowe.
Farole ayaa khudbadiisa ku beeniyay hadal shalay kasoo yeeray wasiirkii hore ee howlaha Guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi kaasoo sheegay in dastuurka Puntland dhowr jeer wax laga badalay islamarkaana u gogol xaarayay codsi beesha Tanade ku raadinayso in la kordhiyo tirada golaha Wakiillada.
“Hadalka aan dhagaysto oo Cabdirashiid uu yiri Dastuurka Saddexda nin ee saxiixay ayuu ku jiraa isagoo Guddoomiye Barlaman ahaan, Aniga iyo Allaha u naxariistee Cabdi Xasan Jimcaale, Waxba waligii lagama badalin waa Been, kii ka horeeyay ee horay u jiri jiray ee Axdiga la oran jiray la isticmaali jiray marka degmo la ansixinayo, ama gobol looma furin Dastuurka waxna lagama badalin, waxaa lagu ansixiyaa oo kana ku qoran hadii degmo la magacaabo oo dowladdu magacowdo ama la magacaabo gobol Barlamanka ayaa la geeyaa Barlamanka ayaa ansixiya oo aqbala. Ansixinta iyo Dastuur wax ka badalis labo shay ayay kala yihiin, taas waa inaad fahamtaa, arrinta runta ah taas weeye,” Ayuu hadalkiisa ku daray Cabdiraxmaan Farole oo soo noqday Madaxweynaha Puntland mudadii u dhaxaysay 2009 iyo 2014.
“Dastuurka Puntland waa kaas, maxaad ugu dhaqmi weydeen?. Dastuurka Puntland kuma dhisna Qabiil, wuxuu ku dhisanyahay Deegaan, markii halkan Garowe lagu dhisay Puntland deegaamo ayaa loo qaybshay, degmooyinkii markaa jiray ayaa lagu qaybshay gobolka Nugal 11 ayuu lahaa, Odaygii markaa shirka maamulayay Islaam Maxamed ayaa markii Bari qolo wax saluugta 1 ayaa laga gooyay Nugal oo lagu daray, Sanaag markii ay ku hishiin waayeen deegaanka dadka degan hal ayaa laga gooyay Nugal oo lagu daray Ceerigaabo ayuu raacay, Mudug iyo ciideeda Kilinka Shanaad xigta ee aan lakala saari karin 10 xubnood ayay lahaayeen deegaankaas hoos u daadagiisa Qabiil ayay ku qaybsadeen iyo deegaan waxay doonaan ha yiraahdeen,” Ayuu yiri Farole.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Madaxweynaha Maamulka puntland C/wali maxamed Cali (Gaas) uu sheegay in Puntland isbadal lagu sameyn doono madaama ay 19-sano jir sanayso dhawaan.

