Akhriso:-Madaxweynaha Somali-land oo Magacaabay Labo Wasiiru Dowle

0

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4933/072017 uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiiru-Dawlayaasha Wasaaraddaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Iyo Biyaha Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee  Somaliland.(Bedel hore Wasiirudawlaha Biyaha)

2. In Mudane, Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee  Somaliland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here