Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow Iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa Xalay howlo kormeer ah waxa ay ku tageen Degmada Yaaqshiiid.
Mas’uuliyiintaan ayaa kormeerkooda ujeedkiisa waxa uu ahaa sidii ay ogaan lahaayeen hormarka degmada Yaaqshid gaar ahaan dhinaca amniga,waxayna kulamo la qataeen maamulka Degmada, iyagoo sidoo kale socod ku maray qaar kamid ah xaafadda Degmada.
Xiliga ay booqanayeen Mas’uuliyiintaan Degmada Yaaqshiiid waxaa ka socday howlgal ay sameenayeen Ciidanka Amaanka Maamulka Gobolka Benaadir Iyo Maamulka Degmada Yaaqshiiid waxayna kusoo qabteen howlgalkooda Tuugadii dhacaysay shacabka iyo hubkii ay wax ku dhacayeen Sidoo kale waxaa goobta lagu dhaawacay ninkii la sheegay In uu dhici jirey Mobiladda.






