Dowladda Mareykanka ayaa shalay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya ku wareejisay qalab dhaliya awooda Korontada.
Qalabkan ayaa ahaa Motoorrada dabka dhaliya, waxaana safaaradda Mareykanka ee Soomaliya ay sheegtay in dowladda Mareykanka ay ugu talagshay Dowladda Soomaliya islamarkaana uu qeyb ka yahay talaabooyinka lagu wanaajinayo xiriirka labada dal ka dhaxeeya.
Deeqda Dowladda Mareykanka ayaa la geeyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay la wareegeen saraakiisha wasaaradda Gaashaandhiga.



