Faadumo:-“Shaqo ayuu Noogu Maqnaa Meydkiisa ayaa Naloo Soo Sheegay”,+Dhageyso

0

Faaduma Khaliif Cabdi, waxay la dhalatay Faarax Khaliif Cabdi oo kamid ahaa 4-dhalinyaro ahaa oo Ciidamada Nabad Sugida ee Maamulka jubba-land ay xabsiga ay kala baxeen islamarkaana ay ku toogteen duleedka magaaladaas.

Waxay Sheegtay in Walaalkeeda uu ahaa nin si weyn looga garanayay Degmooyinka Beled Xaawo & Mandheera, oo sida ay sheegtay kaga shaqaysanayay gaari dameer, balse qoyskeeda ay haatan dareemayaa dhibka loo geystay oo ku aadan in laga dilay walaalkeeda.

iyadoo la hadlaysay Laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayay sheegtay in walaalkeeda la xirey habeenkii axad ah ay soo galaysay islamarkaana xabsiga lagala baxay xili saqde ah islamarkaana lagu toogtay duleedka Degmada Balad-xaawo ee gobolka gedo.

Faadumo waxay sidoo kale sheegtay in walaalkeeda aanu ebid ka mid noqon urur diimeed iyo koox gaara, midna, islamarkaana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba-land ay ka dambeeyaan falka lagu dilay walaalkeeda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here