Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ayaa amaro culus kusoo rogtay dadka Taageera dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab yo dadka lacagaha ku bixiya ee ku sugan Magaalada Muqisho.
Wasaaradda ayaa digniino culus u jeedisay dadka ku Ganacsada Gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada muqdisho kuwasi oo lacago siiyay Al-shabaab.
Go’aamada ka soo baxay waxa ka mid ah:-
- In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab la siiyo lacagaha ay ugu yeeraan Taakuleynta Mujaahidiinta iyo Sakawaad.
- Cid walbo oo Al-Shabaab lacag siisa Talaabo aya laga qaadaya mana la aqbalayo in marmarsiyo laga dhigto Xoog ayay iga qaadeen ama wa la i handaday.
- Ganacsatada waxa loogu digaya in Al-Shabaab aysan taageerin oo aysan lacag siin.
- Cidii Al-Shabaab Maamul jira u aqoonsata Talaabo ayaa laga qaadaya.
- Xawaaladaha dalka ka howlgala Al-Shabaab lacag ma u keydin karaan lacagna ma u diri karaan.
- Shirkadaha Isgaarsiinta Al-Shabaab uma fududeyn karaan Adeegyada kala duwan ee Isgaarsiinta.
- Caawa laga bilaabo Ninkii ganacsade ah oo aado degaanada Al-Shabaab ay maamulaan sida Tooro toorow ee lacag u geeya Al-Shabaab wa la xeraya talaabo aya laga qaadaya Hantidiisa dowladaa la wareegeyso.
- Cid walbo oo go’aanadaan ka hortimaado talaabo ayaa laga qaadaya cid loogu aabo yeelayo ma jirto.

