Maxaabis Caawa Laga Soo Dajiyay Garoonka Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde waxaa laga dajiyay caawa ku dhawaad 114 Qof oo Muwaadiniin Soomali ah kuwaasi oo  sanadihii ugu Dambeyayna Kujiray Xabsiyo kuyaalo Dalka Ithobia ayaa Lagasoodajiyay Elaborka Muqdisho.

Maxaabistaan Soomaliyeed ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha muqdisho kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya iyo eheladooda.

Maxaabiistan oo dhalinyaro u badan ayaa in muddo ah waxay ku jireen xabsiyada dalka Itoobiya, waxaana siideyntoda ka dambeysay kadib markii dhawaan uu halkaasi tagay ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra’isal wasaaraha iyo madaxda dalka Itoobiya ayaa kawada hadlay sidii maxaabiistaasi loogu soo wareejin lahaa Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo lafilayo in diyaaradda siday ay goor dhow soo caga dhigato garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

 

.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here