War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada jowhar

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in qarax bam in uu caawa ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyadda maamulkaas.

Qaraxaan ayaa la sheegay in lagu tuuray Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hir-shabeelle oo  saarnaa Gaariga soomalida ay u taqaano Cabdi bilaha islamarkaana marayay meel ku dhow xarunta Madaxtooyadda Dowladda Goboleedka Hir-shabeelle.

Wariye  C/laahi Xambali oo ku sugan magaalada Jowhar oo goordhaweyd la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay qaraxa wuxuuna sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku sugnaayeen dad shacab ah  islamarkaana lagu ganacsanayay.

Ciidamada amaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa furey rasaas kooban,waxaana haatan socda howgal ay sameynayaan Ciidamada oo lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay qaraxa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here