Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa amar ku siiyay laamaha amniga ee Magaalada Muqdisho in a xasbiga dhigaan cid walba uu ku lug yeelato rasaastii shalay lagu laayay shacab Soomaliyeed ee ku sugan Gudaha Magaaladaas.
Isagoo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayuu sheegay in loogu baahan yahay Hay’adda amniaga Koonfur Galbeed Somaliyeed in ay xabsiga dhigaan dhinacyadii ku lugta lahaa leynta shacabka Somaliyeed ee shalay lagu laayaya gudaha Magaaladas, islamarkaana Maxkamadd lasoo taagi doono cid walba ay ku cadaado dhacdada.
“Hay’addda Amniga Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kan Magaalada Baydhabo waxaaa amrayaa in ay gacanta kusoo dhigaan cid walba uu ku lug yeelata shaqadaii shalay lagu laayay shacab Soomaliyeed oo ka dhacday Magaalada Baydhabo, ka madaxweyne ahaan aad ayaan kaga xunahay wax walba oo ka dhacy Magaalada Baydhabo”, ayuu yiri Madaweyne Shariif Xasan.
Tirada dhimashada rasaastii shalay ka dhacday Magalada Baydhabo ayaa gaartay 17-qof oo 13-shacab ay yihiin, waxayna Rasaasta ay dhexmartay Ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliyeed.

