“Sacuudiga oo Laga Mamnuucay Maaliyadda Kooxda Barcelona”!

0

War kasoo baxay Dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in qofkii maaliyada Barcelona  ee Qadar Founadation ku sawirantahay gashada lagu xukumi doono  15-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo aad u badan.

Sida uu warinayo Sky Italia Dowladda Sacuudiga ayaa dalkeeda ka mamnuucay Maaliyadda Kooxda Barcelona ee Horyaalka dalka Spian ee qeybta kaga sawiran Qatar Airways ama Qatar Fundation islamarkaana qofkaas lagu xukumi doono 15-sano oo xarig ah sidoo kalana laga qaadi ganaax lacageed oo dhan €135,000.

Kooxda Barcelona ayaa heshiis afar sano oo xayeeysiis ah kula jirta Shirkadda Diyaaradaha Qatar Air oo ku aadan in suuq geyn ay u sameyso, waxaana la aaminsan yahay in talabadaan ay caqabad ku noqon doonto kooxda Barce.

Dhanka kale Todobaadkii aynu soo dhaafnay kooxda Horyaalka dalka France ee Paris Saint-Germain ayaa laga mamnuucay dalka Sacuudiga madaama ay leeyihiin dad kasoo jeeda dalka Qatar, inkastoo ay xayeesiiso Maaliyadda  Emirates.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here