Diyaarada Qatar Airways ah Caawa Adeegsaday Hawada Hargeysa

0

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somali-land wararka ka imaanaya ayaa xaqiijinaya in  Diyaarad Qatar Airways ah ay hadda dulmarayso Hawada Magaaladaas, iyadoo ka timid Magaalada  Khartoum.

ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan in ay caawa dhul martay Caasimadda Hargeysa ee Somali-land islamarkaana ay u jiheysatay magaalada Doha ee caasimadda dalkaas.

Tani ayaa burinaysa go’aankii maanta kasoo baxay Golaha wasiiradda Somali-land oo ku aadanaa in Diyaaradaha Qatar aysan adeegsan Karin hawada Soomali-land, islamarkaana Soomaliya iyo Somali-land ay labo dal kala yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here