Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa saakay aroortii waxa ay weerar ku qaadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xooganaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoos ayaa sheegaya in ciidamada is-kaashanaya ee Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ay qabsadeen degaanada Jannaale, Bariire iyo Mubaarak, waxayna ciidamada qarka u saaran yihiin degaanka Awdheegle oo hoos yimaada degmada Afgooye.
Inta la xaqiijiyay dagaalkiii saakay ka dhacay deeganadaas waxaa ku dhintay 10-ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay.
Ma jirto ilaa haatan war kasoo baxay Dowlada Soomaliya iyo Al-shabaab oo logu hadlaayo dagaalka ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

