Waxaa Goordhaweyd qarax xoogan uu dhulka lagu aasay waxa uu ka dhacay ka dhacay Gudaha magaalada muqdisho.
Qaraxaaan oo ahaa miinada dhulka aaso ayaa waxaa laa beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaliya oo marayay meel ku dhow Xaruntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, Degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay 1-askari ayaa ku dhintay wiil dhalinyaro ahaana wuu ku dhaawacmay sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba.
intaas kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo xirey wadada C/qaasim.
ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa.

