Ururka dowliga ahayn ee IGAD oo ay ku mideysan yihiin dowladaha bariga Afrika ayaa aqbalay codsi uga yimid dowlada federalka kaasoo ahaa inay ka qeybqaadato fududeynta wadahadalada dib u heshiisiinta ee maamul goboleedka Galmudug iyo Ahlu Sunna.
Qoraal uu ku saxiixnaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Keynaan oo ku taariiqeysneyd 27/04/2017 ayaa loo direy urur goboleedka IGAD kaasoo loogaga codsanayay inay ka qeybqaadato fududeynta sidii dib u heshisiin loogu sameyn lahaa Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.



