Akhriso:-C/fataax Shaaweye oo Loo Magacaabay Agaasime Ku-xigeenka HSJ

0

C/fataax Ibraahim Cumar Shaaweye ayaa loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Xukuumadda Soomaaliya, isagoo mar kale kuxigeen u noqday saaxibkiis Maxamed Aadan Jimcaale Koofi Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

idaacadda Simba ayaa heshay warqad lagu magacaabay C/fataax Shaaweeye oo soo baxday 23-kii bishii April, waxaa warqadan ku saxiixanaa Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Abuukar Islow.

C/fataax Shaaweeye ayaa xilal badan loo magacaabay, waxaa horay u jiray xil ah Taliye kuxigeenka NISA, taasoo aan ku soo bixin faafin rasmi ah, balse ay markii dambe noqotay war suuqeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here