Wafdi Wasiiro ah oo Socdaal Ku Tagaya Dalka Sacuudi Arabia

0

Magaalada Riyad ee Caasimadda dalka Sacuudiga waxaa ku wajahan dhawaan wafdi wasiiro oo ka tirsan Xukuumadda federaalka Soomaliya oo heshiisyo lasoo saxiixan doono dhigooda dalkaas.

Wafdiga ayaa la sheegay in ay ka kooban yihiin ilaa 10-wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Socdaalka wasiiradan oo ay isku qabsadeen madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa markii dambe heshiis laga gaaray iyadoo wafdiga tiro badnidiisa uu ka hor yimid Ra’iisal wasaare Kheyre.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay weydiisatay Boqortooyada Sacuudiga lacag dhan 4 Bilyan oo doolar, waxaana loo bedelay mashaariic laga fulinayo Soomaaliya, taasoo Sacuudigu ogolaaday, waxayna tani noqoneysaa taageeradii ugu weyneyd ee Sacuudigu siinayo Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here