Dowladda Kenya oo Sheegtay Cida Shabaab Ka Caawisa Fulinta Weerarada

0

Dowlada  Kenya ayaa sheegtay in dagaalyahano xagjir kenyaati ah ay ka caawiyaan Xarakada Al shabaab fulinta weerarada lagu bartilmaameedsado ciidamada Kenya ee ka dhaca xadka Kenya iyo soomaaliya.

Dagaalyahanada kenyatiga ayaa ah kuwa si heer sare ah loo tababaray oo ay wehliyaan dagaalyahano ka tirsan xarakada al shabaab.

Waxaa sidoo kale tan iyo bishii May la dilay 32 qufood oo ay kamid yihiin 18 sarkaal oo katirsan ciidamada difaaca Kenya.

Simiyu Werunga  oo ah mid kamid ah ciidamada Kenya ayaa muujiyay cabsi iyo dhibaato weyn uu ka qabo dagaalyahanda kenyatiga ah ee ka tirsan Xarakada al shabaab waxaana uu tilmaamay in qatar weyn ay ku yihiin amaanka wadanka Kenya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here