Talyaaniga Soomaliya Ku Wareejiyay Afar Laash oo ah Nooca Ciidamadda Badda

0

Ciidamada Ilaaladda Badda Dowladda Soomaliya  ayaa lagu wareejiyay Afar Laash oo ah nooca  Ciidamadda badda, kuwasii ay hore u isticmaali jireen ciidamadda Badda ee Dalka Talyaaniga sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaaasi

laashashkan oo loo yaqaan Rafts waxay markii qaadi karaan 15 askari, oo kuwa ilaaladda Xeebaha dalka Soomaliya.

“Laashashkan lagu wareejiyay dowladda, waxay qayb ka tahay dadaalka loogujirto in dib loo  dhiso, loona xasiliyo Soomaaliya guud ahaan, wuxuuna ka mid yahay howlgalka mashruucan Midowga Yurub ee EUTM iyo kor u qaadista awooda ciidamada badda geeska afrika iyo wadamada galbeedka badweyne Hidiya” ayaa lagu yiri warbixinta lagu qoray website wasaarada difaaca Talyaaniga.

Tan iyo markii uu burbur ka dhacay dalka Soomaliya Xeebaha Soomaaliya waxaa Ilaaliya Maraakiib ka socota Midowga yurub oo uu ka mid yahay markabka talyaaniga ee Espero, waxaa kaloo ilaaliya maraakiib ka socoto wadamada Shiinaha, Iiran, Koonfurta Kuuriya iyo wadamo kale oo tiro badan, waxaan waajibkoodu yahay in ka ilaaliyaan maraakiibta maraysa biyaha Soomaaliya Burcad-badeeda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here