Wafdi uu Hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug.
Wafdiga ayaa isugu jira Wasiiro, Xildhibaano ka Tirsan baarlamanka Soomaliya, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado kusoo dhaweeyay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi faarax Juxa, iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Galmudug.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyadda Galmudug oo ay ka socoto Xafladda caleema-saarka Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.







