Wasiirka amniga Gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo wareysi kooban siiyay warbaahinta deeganada Maamulka Puntland ayaa ka hadlay qorshaha adkaynta amniga Puntland, dagaalka Al-shabaab iyo Daacish, baaritaanka weerarkii ismiidaaminta Bosaso iyo bisha Ramadaan.
Wasiir Qarjab ayaa sheegay in Puntland ay u diyaar garowday adkeynta amniga deeganada Maamulkaas, inta lagu daga jiro Bisha Ramadan islamrkaana ay ka feejigan tahay weeraro kaga yimaada dhinacyadda Shabaab iyo daacish oo weeraro ka fuliya deeganadaas.
Waxa uu digniino u direy dadka Masoomayaasha ah waxuuna hay’addaha amniga uu ku wargaliyay in ay gacanta kusoo dhigaan dadkii lagu arko iyagoo waxa cunaya.
Sidoo kale Wasiirka amniga Gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shegay in Puntland ay baaritaano ay ku haysno weerarkii isqarxinta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso kaasioo ay sheegatay kooxda Daacish, islmarkaana lasoo bandhigay sawirradda iyo Magaca ninkii fuliyay weerarkaas.

