Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadaan u direy dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.
‘’Ramadaan Kariim ayaan leeyahay dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Bishan waa bishii kheyrka, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bishii towbada, cafiska, sheydaanka oo la xiro, dadka oo naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo farabadan. Waxaana Ilaahay ka baryayaa in intaas oo dhan uu ina siiyo, fadliga bishan barakeysan ee Ramadaan awgeed’’ Sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Cosoble.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka farey inay is kaalmeeyaan bishan barakeysan ee Ramadaan.
‘’Waxaan farayaa dadka Soomaaliyeed inay is kaalmeeyaan. Kuweena liita ee Muslimiinta ah ee soomaya ee aan waxba haysan waa in la kaalmeeyaa, waliba iyadoo dad aad u fara badan ay saameyn culus ku yeelatay abaarta Aan garab istaagno dadkaasi, Waa in aan garab istaagnaa oo aan caawinaa si uu Ilaahay inoogu naxariisto’’ ayuu Hadalkiisa ku daray Madaxweynaha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa intaa ku darey in bishan kheyrka badan , qof walba oo muslim ah ay la gudboon tahay inuu la yimaado camal suuban, Allah ka cabsi, khushuuc iyo ilaalinta waajibaadka Ilaahay ina saarey , si loo helo liibaan adduun iyo mid aakhiro.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii u duceeyay dhammaan Muslimiinta, isagoo Ilaahay uga baryey inay helaan naxariista bishan barakeysan ee Ramadaan, kuwooda dhibaateysanna, uu Ilaahay ka dul qaado dhibka haysta Wadankana uu ka saaro abaarta.
-DHAMMAAD-

