Saraakiil u hadashay maamulka Seoul ee koofur kuuriya ayaa sheegay in sida muuqata markab kaluumeysi oo dalkaasi laga lahaa in laga afduubtay Biyaha Xeebaha Soomaaliya.
Maraakiibta Dagaalka gaar ahaan qeybta la dagalanka burcad badeeda koonfur kuuriya ee loo yaqaano (Cheonghae) ayaa laga howlgeliyay xeebaha soomaaliya kadib markii markab laga leeyahay kuuriyada kuufureed iyo shaqaale caalami ah ay la soo xiriireen si gacan loo siiyo balse aan lamagaanin wadanka laga lahaa markab-ka kale.
Sarkaal dhankiisa u hadlay wasaarada arimaha dibadda ayaa sheegay in xukuumada Seoul ay isku dayeyso xaqiijinta xaaladda markab-keeda kaluumeysiga ee la afduubtay waloow faah-faahin buuxda aysan bixin wakaalada wararka ee kuuriyada koofureed oo warkan dabacday.

