Waxaa magaalada Kigaali ee Caasimada Rwanda ka furmay Wajiga labaad ee Shirka dhamaystirka Hab-maamuuska Qabyo qoraalka isku socodka xorta ah ee Dadyoowga Africa(free movement of person in Africa).
Shirkan ayaa wajigiisa labaad waxaa kaalinta ugu muhiimsan iska lahaa Hay’addaha Socdaalka Afrika ( immigrations Africa ) madama arimaha laga hadlaayo ay yihiin shaqooyinka Hay’addaha Socdaalka.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaa shirkaas uga qeybgalay quburo Soomali ah oo ka tirsan HSJ kuna taqasuusay shirciyada iyo hababka socdaalada dunida.



