Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in booliiska Soomaaliya ay heleen diyaaradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin si ay ugu adeegsadaan la dagaalanka dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dalka Mareykanka, oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa la sheegay in diyaaradahan oo shan ah uu ugu deeqay booliska Soomaaliyeed,islamarkaana qaar kamid ah Booliska la siiyay Tababaro ku saabsan sida loo adeegsanayo Diyaaradahaan.
Diyaaradahan ayaa la sheegay inay booliiska ka caawin doonaan la socodka shirqoollada iyo ka hortagistooda.

