Shirkii Golaha Wasiirada Ee Tirsigiisu Ahaa 2/25/2017 -220 Oo uu gudoominayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa lagu gudoomiyay in aan la aqbalin lacagta 200,000$ ah ee dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal madaxbanana.
Waxa kale oo aanu sheegayaa Dawladda Soomaliya in Umadda Jamhuuriyada Soomaaliland ay kujirto Qorshaha kasoo kabashada Abaaraha lana ururiyey lacag dhan 3281,940.55, Qorshuhuna yahay in la ururiyo lacag dhan 6 milyan oo Dollar, lana filayo sida hawshaasi usocoto in ay lacagtaasi ka badato.
Waxa kale oo aanu Umadda Jamhuuriyada Somaliland ugu baaqaynaa inay ka dhiidhiiyaan Quudhsiga Soomaaliya wado oo ficil ahaan u bedelaan inay ururiyaan lacagtaas balaadhan oo ay aduun weynaha iyo Soomaaliyaba tusaan inaynu nahay Umadd isu damqata oo isku tashada cid ama gobol Soomaaliland ah oo aqbali karaana majiro lacagtaas Soomaaliya.
Waxaa kale oo la isla qaatay in golaha wasiirada, wasiir walbi uu bixiyo lacag dhan 500$, sidoo kale Agaasimayaasha guudna ay bixiyaan lacag dhan 200$ .

