Raisulwasaare Kheyre oo Tagaya Deegaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro deegaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ujeedka socdaalka Raisulwasaare Kheyre ee deegaanka bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu sheegay  si ay Ciidamada Xoogga dalka Somaaliyeed ay u bilaabaan  dagaal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolkaas.

Socdaalka Raisulwasaaraha ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ku wehlin doona mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya,Saraakiil ka Tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Dowladda Soomaliya ayaa wada qorshihii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay dalka kaga saarayaan Ciidamada Xarakada Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here