Wararka ka imaanaya Tuulada Dam Liboi degmada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay mid kamid ah gawaarida dagaalka Ciidamada Booliska dalkaas.
Inta la xaqiijiyay 3-saraakiil booliska ka Tirsan ayaa ku dhimatay 2-kalana way ku dhaawacmeen qaraxa sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Kenya.
Saraakiisha dhimatay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Dennis Mwachiru, Titus Mwangi iyo Peter Gakuo, halka Oliver Ochieng’ iyo Nahashon Omondi oo Sarakiil ah ay ku dhaawacmeen qaraxa miino.
Qaraxa mas’uuliyadiida waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab, xili maalmo ka hor Taliyaha Ciidamada Booliska dalka Generaal Kenya Joseph Boinnet uu ka digay weeraro Al-shabaab ay ka geysteen gudaha dalkaas.

