Wakiilkii Qaramada Midoobay Amniga Jubba-land oo Shaqada Laga Ceyriyay+Dhageyso

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Jubba-land Maxamuud Sayid aadan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in laga badalay Wakiilkii Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amniga deegaanada Jubbaland, kadib markii ay isku qabteen warbixin  ku saabsan amaanka Jubba-land.

Maxamuud Sayid aadan Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in wakiilka uu gudbiyay warbixin waxba kama jiraan oo meel loogu dhacayo Jubba-land, islamarkaana dhowr jeer oo hore uu gudbiyay in uu liiito amniga deeganada Maamulka,ayna ku xoogan yihiin Xrakada Al-shabaab.

“Wakiilkii Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amniga deegaanada Jubbaland, waxaan isku qabanay warbixin ku saabnsan amaanka,waxaan u gudbinay cabashadeeda xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaliya,waa nagala badalay mid cusub ayaa lasoo magacaabay”, ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Jubba-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here