UNHCR oo Ka Hadashay Tirada Qaxootiga Dib Loo Soo Celiyay

0

Hay’ada Qaramada midoobay  u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dib loo soo celiyay qaxooti soomaaliyeed oo ku sugnaa xerooyinka dalka Kenya kuwaa oo tiradooda lagu qiyaasay 64,761 tan iyo markii uu bilowday dib u soo celinta qaxootiga bishi December sanadii 2014k-kii.

UNHCR oo saddexdii todobadaab halmar  soo saarto warbixinta qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool xerada Dadaab kuwaa oo ay ku taageertay si bilaash ah in ay dalka soomaaliya ku soo gaaraan oo tiradoodu lagu qiyaasay 63,355 ruux.

Intii lagu guda jiray 1-ilaa iyo 15 may  qaxooti gaaraya 1,478 qof ayaa dib ugu soolaabtay dalka soomaaliya iyagoo duulimaad toos ah kaga soo qaaday xerada Dadaab ee dalka Kenya waxaana sanadkan gudahiisa ee 2017  dib loo soo daabulay 24,221 qaxooti oo ku sugnaa dalka Kenya.

UNCHR ayaa xustay in safarka dhanka dhulka ah uu istaagay kadib markii roobab ay ka da’een qeybo katirsan gudaha dalka Soomaaliya.

UNHCR waxa ay tilmaamatay in magalada Kismaayo  ay tahay meesha ugu badan ee lagu soo celiyo qaxootiga soomaaliyeed tiro dhan 87.7%  halka magaalada Mogadishu ay ka tahay 6.7% waxaana magaalada Baydhabo soo gaaray 4.7%

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here