Taliye ku xigeenkii hay’adda sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ee dhanka howlgallada Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa waraysi gaar ah oo uu VOA-da siiyay ayaa ka hadlay sababaha keenay in uu iscasilay.
Waxa uu sheegay inuu go’aankan qaatay kadib markii uu sheegay in laga gaabiyay isbeddel lagu sameeyo hay’adaha amniga Soomaaliya, madaama amniga magaalada uu sii xumaanayo.
Cabdisalaan Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in musuq-maasuq iyo ku takrifal awoodeed ay ka dhex jiraan hay’adaha amniga ee dalka.

