Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Goordhaweyd  gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga, waxaana halkaas loogu sameeyey soo dhaweyn.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa  ka qeyb galaya shir madaxeedka wadamada Islaamka iyo Mareykanka.

Waxaa garoonka diyaaradaha ciidamada cirka ee Boqor Salmaan ku soo dhoweeyay ku-xigeenka Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Maxamed Ibnu C/raxmaan Bin C/casiis iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo casuumaad rasmi ah ka helay boqorka Sacuudiga ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku sugan Sacuudiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here