Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhashay dalka mareykanka oo ka soo jeeda Magaalada Kansas ayaa lagu xeray dalka masar kaa oo lala xiriirinayo in uu ku biiri rabay kooxaha jihaadiyiinta waxaana baaritaano ku hayo hay’adaha FBI-da mareykanka ee ka howlgala dalkaasi Masar.
Waaxda dambi baarista FBI-da ayaa baaritaano rasmi ah ku bilowday Ciise Aweys Mohamud oo 25-kii April ee sanadkan xabsiga kadib markii qoyskiisu ay ku wargeliyeen in la’waayay sida ay sheegtay waaxda xeer beegtada federalka dalka mareykanka.
Qaar kamid ah xubnaha qoyska ayaa u sheegay FBI-da in ay walaac ka qabaan in dhanka badda uu ku talaabay si uu ugu biiro dagaalyanahada Jihaadiyiinta.

