Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa haatan safar dhulka ah ku gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Wafdiga madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiiro,xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya, saraakiil ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed,iyo Taliska Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa booqan doono deegaano ay kamid yihiin: Bariire, Number 50 iyo Degmada Afgooye, xirada Laanta Buure oo ka wada tirsan Gobolka Shabeeada hoose.
Ammaanka Wadada u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan la dhoobay wadadaas.
Dhanka kale Gaadiidkii isaga kala gooshayay Muqdisho iyo Afgooye ayaa saaka la xanibay.

