War Deg Deg:-Wariyayaal Al-shabaab ahaa oo La Dilay

0

War kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Duqeyn iyo weerar toos ahaa oo Xalay ka dhacay Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose in lagu dilay wariyayaal ka shaqeynayay Radio Andulus oo ka Hadla afka Xarakada Al-shabaab, islamarkaana la burburiyay qalabkii idaacadda ay ku shaqeynaysay.

Mareykan ayaa sheegay in ilaa 5-wariye oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab in lagu dilay weerarkaas kuwaasi oo ku sugnaa xarunta radio Andulus oo ka Hadla afka Xarakada Al-shabaab, islamarkaana la burburiyay qalabkii idaacadda ay ku shaqeynaysay.

Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa dhankisia xaqiijiyay in Ciidamo tababaran ay u gudaha u galeen xarunta idaacadda islamarkaana ayna ku dhex dileen ilaa 5-wariye oo idaacadda xiligaan ka howlgalayay islmarkaana baahinayay warar ku saabsan in Al-shabaab ay guul ka gaareen dagaal xiligaas ka socday Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Lama shaacinin Magacyadda wariyayaasha Al-shaabab ee xalay la dilay, iyo wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka Xarakada Al-shabaab oo lagu xaqiijinayo in la burburiyay idaacadda Andulus.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here