Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banadir ayaa ku waramaya in Kooxo Hubeysan ay xaafadda Buulo Axmed Cabdale ay ku dileen Nin shiikh ahaa oo lagu magacaabi jirey Shiikh Maxamed Cadow Maxamuud.
Ragga hubeysan ayaa la sheegay in Shiikha dhintay ay ku fureen rasaas xili uu kasoo baxayay Masjid ku yaala Xaafadaas, islamarkaana uu goobta ku dhintay sida idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay.
Durbadiisa ragga hubeysan waxaa u suurta gashay in ay goobta isaga baxsadaan, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya oo sameynaya baaritaano lagu baadi-goobayo Ragga dilka geystay.
Dilalka ay geystaan Ragga hubeysan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay u muuqday in ay yaraadeen,Dowladda Soomaliya ayaa loogu fadhiyaa in ay isbadal ku sameyso amniga magaalada Muqdisho.

