Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa sheegay in wadamada Soomaliya iyo Kenya uu u dhaxeeyo iskaashi dhow,islamarkaana labada dal ay ka shaqeyn doonaan sidii loogu gudbi lahaa Caqabadaha xiligaan taagan.
Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo uusan kali ku aheyn dagaalka lagula jira Xarakada Al-shabaab,islamarkaana Dowladiisa ay ka qeyb qaadanayso.
“Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo in uu leeyahay qof saaxiib ah halkan waxaan jeclahay habka iyo mudnaanta uu siiyay dhanka amniga waxaana diyaar u ahay inaa taa kala shaqeeyo,” ayuu yiri Mr Kenyatta,
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa hadalkaan ka sheegay madaxtooyadda Kenya oo shalay uu kulan kula qaatay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Gamal Mohamed Hassan oo dhawanloo magacaabay wasiir ee dawladda cusub ee Soomaaliya.

