Puntland oo Gacanta Ku Dhigtay Qaraxyo Ka Koobnaa Seddex Qeybood+Sawirro

0

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa xalay qabtay qaraxyo ka koobnaa Seddex qeybood oo lagu diyaariyay Fuustooyin kuwaasi oo la doonayay in lagu weeraro xarumaha Maamulka ee Magaaladaas.

Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Abdirashiid Abdirahim Ismaaciil ayaa sheegay in Ciidanka Amaanka Gobalka Bari ww magaalda Boosaaso ay xalay gacanta ku dhigeen qaraxyadda kadib markii ay daba joogeen 24-kii saac aynu soo dhaafnay xog ku aadan in qarax lasoo diyaariyay oo ka koobnaa sadex qaybood.

Waxaa lagu soo diyariyay qaraxyadda ay qabteen Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ee Magaalada boosaaso Fuustooyin saddex qaybood ah oo loogu talagalay in sadex gaari la saaro oo sadex meelood lagu qarxiyo waxay ciidanku gacanta ku dhigeen gaarigii siday iyo 5nin oo waday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here