Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed ( Farmaajo) ayaa la kulmay dhigiisa dalka Turky-ga Mudane Erdogan, waxayna labada mas’uul ay kawada hadleen xiriirka labada dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed ( Farmaajo) wuxuu booqday Baarlamaanka iyo dhismaha taariikhiga u ah dalkaasi ee uu ku aasanyahay Mustafe Kemal Ataturka oo ah hogaamiye Turky-ga si weyn loogu yaqaano.







