Xildhibaan Daahir Amiin jeesoow oo kamid ah baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo in uu hor yimaado Golaha Shacabka si Su’aalo looga weydiiyo Shirka looga hadlayo dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed lagu Qabanayo Magaalda London ee d dalka Ingiriiska.
Jeesoow ayaa sheegay Madaxweynaha looga Fadhiyo in uu Jawaab cad ka Bixiyo Ujeedka Shirka Magaalada London lagu Qabanayo 11-Bishay oo maalmo kooban ay naga Xigaan wuxuuna sheegay in Shirkaasi uu yahay Qiyaano Qaran oo ay Wadaan Shaqsiyaad Soomaaliya Dowlado Shisheeye oo aan Ogolayn Awooda Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
“Raisulwasaare, wasiir, iyo Xildhibaan uma Baahni waxaan u baahanahay Madaxweyne farmaajo, asagaan waxa ka weydiin doonaan arrimaha Ciidamada, waxaa qiyaano qaran Shirka Magaalada London Lagu Qabanaayo”, ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

