Shil Geystay Qasaare oo Goordhaweyd Ka Dhacay Duleedka Muqdisho+Dhageyso

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Deegaanka Garas-baaley ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in goordhaweyd halkaas uu ka dhacay shil geystay qasaare.

Shilka ka dhacay deegaanka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo kuwa Caasiga ah oo marayay wadda Garas-baaley ee duleedka Magaalada muqdisho, waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen 3-ruux oo gawaarida saarnaa.

Mid kamid ah dadkii ka ka dhawaa goobta uu shilka ka dhacay oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in labada gaari ay ku socdeen si xowli ah islamarkaana ay isku dhaceen sidaasna ay ku dhawacmeen 3-da ruux.

Goobta uu shilka ka dhacay waxaa gaaray Gudoomiyaha Deegaanka Garas-baaley ee Duleedka Magaalada Muqdisho C/raxmaan, waxaana dadkii ku dhaawacmay shilka loo qaaday goobaha Caafimaadka si looogu dabiibo.

120101_003

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here