Xildhiban C/laahi sheekh Ismaaciil oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa arin lagu fududaaday ku tilmaamay isbadalkii dhawaan lagu sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Dowladda federaalka Soomaliya iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowladda Cusub loogu baahnaa in ay yaro u sugto islamarkaana aan lagu deg degin in isbadal lagu sameeyo taliyaasha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka banaadir oo ka arimiya halka ay dowladda Soomaliya xarun u ah.
“Arinta dhibka ah ee haatan taagan waxa ay tahay in isbadal wadareed hal mar lagu sameeyay Taliayaasha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya, iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka banaadir, runtii waxaa laga dhexlay dhibaatooyinka Magaalada ka dhacay,dowladda Cusub waxaa loogu baahnaa in ay yaro sugto si loo kala sooco madaxda”, ayuu yiri Xildhiban C/laahi sheekh Ismaaciil.
Dowladda Soomaliya ayaa wali wadda isbadalka lagu sameynayo madaxda xilalka haysa ee lasoo shaqeysay Dowladii Hore,waxaa horaan la badalay taliyaasha Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo mas’uuliyiinta Gobolka banaadir.

