Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar camey oo wareysi gaar ah siinayay Mid kamid ah warbaahinada Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari ayaa ka hadlay dhaliisha kaga imaanaysa Hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha eek u aadan in Puntland ay xukuno fuliso caruur aan qaar gaarin.
Madaxweyne Ku-xigenka Maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay Dhaliilaha iyo cambereynta Dalalka Reer Galbeedku iney yihiin Kuwo aan Waafaqsaneen Dhaqanka iyo Nidaamka Dowladnimo ee Umadda Soomaliyeed.
Puntland ayaa dhawaanahaan Xukuno Dil ah ku Fulisay Dhalinyyaro ka Tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay dagaaladii ka dhacay sanadkii aynu soo dhaafay Gobolka Mudug iyo dilal ka dhacay magaalada Boosaaso.

