Waxaa haatan laga deyrinayaa Xalaadda Caafimaad Dad Soomaali ah oo ay dhaawaceen sanadii dambe Burcad Koonfur-Afrikaan ah oo xaalad adag ay ku hysato gudaha dalkaas.
Mid kamid ah Dhalinyaradda Soomaliyeed oo ay si xun u dhaawaceen Kooxaha Burcad Koonfur Afrikaan-ka oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhalinyaro badan ay ku jiraan isbitaalada dalkaas kuwaasi oo qaba dhaawacyo kala duwan una badan kuwa lagu gaarsiiyay Mindiyo.
Waxa uu sheegay in safaaradda Soomaalida ee ku taalla dalka Koonfur Afrika ay tahay mid aad u liidata Howlaha ay qabato iskaba daayee in ay la tacaasho dhaawacyada soo gaarayo dadka Soomalida ah ay dhib ku qabaan helida Baasapooradda dalkaas.

